About Us  
   
 
 
 
   
 
 
Wararkii Roobka ee ugu danbeeyey.
Wararka naga soo gaaraya Degmoyinka Gobolka wardheer ee deegaanka soomalida Ethopia ayaa sheegaya in roobabkii Dayrta ay si wayn uga da’een deegaankaas, Maanta Duhurnimadii oo aan khadka isgaarsiinta Telefone-ka aan kula xiriiray degmada Galaadi ayaan ku beegmay xilli uu halkaasi ka’ayey, Roob aan caadi ahayn, iyadoo hadalkii la’iigu hormariyey uu ahaa mid ifarxad galiyey oo ahaa “ Barwaaqo ayaa ka dhacday wadankii, Roob ayaa nahaya, alla Mahadi weeye waan roobsanay” hadalkaas oo ahaa mid lagu diirsaday.
09 Oct 2008 by Maxamed

Raxmaadkii Eebe oo ka Curtay Gobolka Wardheer.

Iyadoo Gobolka wardheer ee deengaanka soomalida ethopia ay ka jirtay abaar dabo dheeraatay, qaadatayna muddo ka badan 3sano ayaa hadana waxaa ka curtay 24saac ee la soo dhaafay Raxmaadkii Eebe.

Wararka naga soo gaaraya xarunta gobolka wardheer ayaa sheegaya in tuulooyin badan oo hoos yimaada degmada Wardheer ay shalay galinkii danbe ilaa iyo xalay ay ka curteen Raxmaadkii Eebe, iyadoo dadweynaha ku dhaqan deegaankaasi ay ku jireen xaalad quus ay ka gaareen xoolihii ay dhaqan jireen muddo dheer, waxaana dadku ay qarka u saarnaayeen inay u ledaan Macaluul, Gaajo iyo Haraad.
06 Oct 2008 by Maxamed

<< Previous 1 2 Next >>